Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ Maxamed Ibraahim MacalimUU ayaa tacsi u diray qoyska iyo eheladii ay ka geeriyootay marxuumad weriye Sagal Salaad Cusmaan oo maanta kooxda nabad-diidka ay ku dileen magaalada Muqdisho.
“Innaa Lillaahi wa Inna Ileyhi Raajicuun, Anigoo ku hadlaya magaca Ururka Saxufiyiinta Qaranka NUSOJ waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Sagal Cusmaan oo dhab ahaantii ahayd weriye kaalin muuqata kaga jirtey Warbaahinta Soomaaliyeed’’, ayuu yiri Macalimow.
Xoghayaha Ururka Saxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sido kale laamaha Amaanka Dowladda Soomaaliya ka codsaday in cadaaladda la horkeeno kooxdii ka danbeysay Dilka wariye Sagal Salaad.
Hoos ka Akhriso qoraalka ka soo baxay NUSOJ:-