Deegaanada maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca ayaa maanta inta badan laga sooneen iyadoo maamulkaasi aanu shaacin Bilashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Hase ahaatee waxaa jira dad fara ku tiris ah oo ku nool deegaanadaasi oo iyagu sooman xilli maamulkaasi Ahlusunna weli aysan ka hadlin Bilshada Bisha Ramadaan oo meelo badan laga arkay.
Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca ayaa ku caanbaxay in maalin ay ka dib dhacaan Bilaha Soonka iyo Ciida marka bulsho weynta deegaanada kale ee dalka ku nool ay si isku mid ah isugu waafaqaan curashada bilahaasi.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhanka kale ee Xarakada Al Shabaab ayaa si isku mid ah ugu dhawaaqay bilashada Ramadaan.