TOP NEWS:- Howgal culus oo ka socda Mandheera

0

Ciidanka ammaanka dalka Kenya ayaa howlgal ka wada magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya sida ay warbaahinta u sheegeen  saraakiil ka tirsan ciidanka ammaanka dalka Kenya.

Ciidanka ammaanka ayaa howgal guri guri ah ka wada degmada Mandheera iyo sidoo kale deegaanka Lafeey oo hoos yimada degmada Mandheera.

Howlgalka ayaa lagu baadi goobaaya dagaal yahano ka tirsan xarakada Shabaab oo ay dowladda Kenya sheegtay in ay ku dhuumaalaysanayaan gudaha degmada Mandheera.

Taliyaha ammaanka Mandheera ayaa sheegay in ay adkeen doonaan amniga degmada Mandheera iyo sidoo kale deegaanada hoos yimaada ,madam uu sheegay in ay jiraan dagaalyahano ka tirsan Shabaab oo ku sugan gudaha degmada Mandheera.

Waxa uu shacabka ugu baaqay in ay kusoo wargaliyaan hadii ay arkaan waxyaabo amniga qalqal galinkara .

Dhawaan kolonyo katirsan ciidanka Booliska Kenya ayaa weerar lagu la eegtay inta u dhaxeysa deegaanada Lafeey iyo fiino oo hoos yimaada gobolka Waqooyi bari ee gobolka Kenya.