Wararka ka imaanaya degmada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in ay cirka isku sii shareertay xiisad halkaasi ka taagneyd taasi oo u dhaxeysa beello walaalo ah oo halkaasi wada deggan.
Deegaanno ku dhaw degmadaasi waxaa ka dhacay dagaal qaraar oo Labo beel u dhaxeysay hase ahaatee waxgaradkii ayaa ku daallay xallinta arrinkan.
Warar aynu helnay waxay sheegayaan in maanta weli xiisadda ay tahay mid halkaasi ka taagan lagana baqayo dagaallo dhaca.
Beelihii dagaallamay weli si rasmi ah looma kala dhex galin balse culimada, waxgaradka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa wada dadaallo ku aadan daminta xiisaddan.