Qarax Askar ay wax ku noqdeen oo ka dhacay Kenya

0

Labo Sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Booliska Dalka Kenya ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen Qarax Xoogan oo ka dhacay Magaalada Mandeera ee Gobolka Waqooyi Bari Dalka Kenya.

Saraakiishan ayaa ka mid ahaa dhowr iyo 10 Sarkaal oo howlgallo roondo ah ka waday wadada u dhaxeysa Lafey iyo Fino waxaana markaasi Qarax lagu beegsaday Kolonyadii ay la socdeen.

Xiriiriyaha Gobolka Waqooyi Bari, Maxamed Saalax ayaa waxuu xaqiijiyay dhacdadaasi waxuuna in haatan lala tacaalayo xaalada caafimaad ee Saraakiishaasi.

Dowladda Kenya ayaa Sarakiil dheeraad ah u daabushay Degaanada Mandeera si  baaritaano ugu sameeyaan Shaqsiyaadkii Miinadaasi ku aasay Wadada qarkeeda.

Sikastaba, Saraakiisha Dowladda Kenya ayaa ku baaqay in laga feejignaado Weeraro qorsheysan oo Al Shabaab ay ka fuliyaan qeybo ka mid ah Dalkaasi inta lagu guda jiro Bisha barakeysan ee Ramadaan.