Dalka Kenyana, maanta waxaa la filayaa inuu ka dhoco dibad bax weyn oo looga soo horjeedo guddiga doorashada ee IEBC.
Laakiin sarkaal sare oo booliska ka mid ah ayaa waxa uu digniin culus u diray taageerayaasha mucaaradka oo uu u sheegay inaysan ka qeybgalin isu soo bax la mamnuucay.
Waxa uu u sheegay haddii noloshooda ay qiimo u leedahay inay u wanaagsan tahay inaysan soo bixin.
Taliyaha booliska ee Nairobi, Japheth Koome, waxa uu sheegay in askartiisa ay diyaar u yihiin inay awood adeegsadaan haddii ay lagama maarmaan noqoto.
Siyaasi kamid ah mucaaradka – James Orengo – ayaa sheegay inaysan jirin wax cudur daar ah oo loo hayo mamnuucidda dibad baxyada, aysanna joojineyn dhankooda.
Mucaaradka dalkani Kenya ayaa waxa ay doonayaan in guddiga doorashada ee uu hogaaminayo Isaaq Xasan ay is casilaan.
Waxay ku eedeynayaan inay dhinac la jiraan oo aysan dhexdhexaad ahayn.
Xigasho BBC