Askartii Ka tirsaneyd AMISOM ee Shalay la qabtay oo Wadamadooda lagu Celinayo

0

Midawga Afrika ayaa sheegay in Dolwadda Soomaaliya ay kala shaqeyn doonaan Baaritaan ku aadan Shan Askari oo ka tirsan Ciidanka AMISOM oo Suuqayada Muqdisho ku iibin jiray Waxyaabaha loo keeno AMISOM oo ay Saanada Ciidan ka mid tahay.

Ururka Midawga Afrika ayaa sheegay in Askartaas oo ka koobneyd 5 Askari Dib loogu Celin doono Wadaada ay ka soo jeedaan si loogu Maxkamadeeyo Dalalkooda.

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa Shalay Gacanta ku dhigay Shan iyo Toban Ruux oo 5 kamid ah ay ahaayeen Ciidamada AMISOM islamarkaana iibin jiray Waxyaabaha loo keeno AMISOM.