WAR DEG DEG:- Dagaal culus oo ka dhacay deegaan kamid ah Sool & Hub culus oo la isku adeegsaday

0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Dharkayn oo 70KM Galbeed uga beegan Laascaanood ayaa sheegaya in uu shalay markale dagaal culus ka dhacay halkaas, kaas oo ay ka qeybgaleen gaadiidka dagaalka ee ay leeyihiin beelaha Soomaaliyeed ee dagaalamaya.

Ilaa hadda dhimashada dagaalkan ayaa gaaraysa 22 ruux oo ah dhinacyada dagaalamay, waxaana hadda la soo sheegayaa in ay wali xiisad adag ka jirto aagga dagaaladan ay ka dhacayeen.

Dagaalkii shalay waxaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen dad aad looga yaqaanay deegaanadaas, ilaa haddana ma jirto cid tagtay oo dhexdhexaadin ka dhex sameeyey.

Baaqyo laga soo saaray dagaalkan ayaa ilaa hadda noqon kuwa hirgala, waxaana sii socota Is hubeynta dhinacyada, sida ay xaqiijinayaan wararka laga helayo deegaankaas.

Dagaalkan wuxuu ka dhashay Aano Qabaa’iil oo horey u dhexmartay labadan beelood oo ka soo wada jeeda gobalka Sool, waxaana dhimashada intaas le’eg ay ka dambeysay iyadoo dagaalkan uu sii xoogeystay shalay.