Iyadoo xalay tiro Madaafiic ah ay ku hoobteen xarunta Xalane ee Taliska ugu weyn Ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya ayaa waxaa ka warbixiyay Madaafiicdaasi Saraakiisha AMISOM.
Afhayeenka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, Jeo Kibet oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa beeniyay in Madaafiic ay ku dhaceen Xarunta Xalane.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wax kama jiraan waxuu ku tilmaamay wararka la xiriira Madaafiicdaasi.
Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay Duqeyntan iyadoona xusid mudan in aanu jirin Cid sheegatay mas’uuliyada Madaafiicdaasi lagu garaacay sida la sheegay Xarunta Ciidamada AMISOM ee Xalane.