WAR DEG DEG:- Al -Shabaab oo war ka soo saaray Weerarada ay ku dilaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya

0

Ururka Al Shabaab ayaa ku hanjabay inay sii kordhin doonaan beegsiga ay ku hayaan Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka dhanka howlgalada Shabaabka u qaabilsan Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab, ayaa Idaacada Shabaabka ee Andalus, waxa uu ku sheegay in ciidamada Shabaabka aysan ka daali doonin bartilmaameedka Xildhibaanada ay ku hayaan.

“Way sii socon doonaan howlgalada bartilmaameedka ah waxaana si gaar ah u beegsan doona Xildhibaanada Golaha dhawaaqida ridada maadama ay ay ku mashquulsan yihin dajinta sharciyo faa’sid ah.” Sidaasi waxa yiri Abu Muscab Afhayeenka Shabaab.

Sheekh Abuu Muscab ayaa sheegay wadada u furan kaliya Xildhibaanada Somaliya inay tahay inay ka baxaan waxyaabaha ay ku jiraan, hadii kale ay la kulmi doonaan beegsiga Shabaabka.

Howlgalada ciidamada Shabaabka ay ka fuliyaan Magaalada Muqdisho ayuu tilmaamay inay xooga ku saari doonaan beegsiga Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ilaa ay ka tanaasulaan waxyaabaha ay ku jiraan.

Weerarkii ugu dambeeyay ee Shabaabka ay ka geysteen Hotelka Ambassador ayaa waxa ay ku dileen labo Xildhibaan oo ka tirsanaa Baarlamaanka Somaliya.

Ururka Al Shabaab ayaa horay u dilay Xildhibaano oo qaarkood toogasho ay ku dileen, halka qaar kalena qaraxyo ay ku dileen.