Hambalyo+Dhageyo:Ramadaan Kariim Dhamaan Akhristeyaasheena iyo Ummada Soomaaliyeed “Marxab Marxab Yaa Ramadaan”

0

Anagoo ah Maamulka Iyo hawlwadeenada Warbaahinta Allgalgaduud Media waxaan halkaan guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaana Akhristeyaasheena ugu Hambalyeynayaan Bisha Barakaysan ee Ramadaan meel walba oo ay dunida daafaheeda ka joogaan.

Waxaan Shacabka Soomaaliyeed oo dhan aan leenahay Ramadan Kariim.

Bisha Ramadan sifaha iyo faa’idooyinka ay leedahay waxaa ka mid ah:

A) Waa Bisha Naxariista iyo Sadaqada
B) Waa Bisha Cibaadada iyo Dambi dhaafka
C) Waa Bisha Cadaab ka xoreynta Adoomaha
D) Waa Bisha Qur’aanka Kariimka uu soo degay
E) Waa Bisha ay ku dhex jirto Habeen ka khayr badan kun Habeen
F) Waa Bisha Shayaadiinta la xirxiro
G) Waa Bisha Albaabka Janada la furo
H) Waa Bisha Albaabka Naarta la xiro

Haddii aan nahay Bahweynta Allgalgaduud Media Waxaan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ku Baraarujinaynaa iyagoo ka faa’ideysanaayo Fursadaan Bishaan Barakeysan ee Ramadaan iney muujiyaan Allah ka cabsi badan, isu soo dhawaansho iyo isu qalbi furnaan, lana joojiyo dagaalada dhiigga badan ee macno darada loo daadinayo, laguna dadaalo sidii Nabadda loo soo celin lahaa.

Waa in loo gargaaraa dadka tabaaleeysan lana caawiyo, Waa in laga farxiyaa Masaakiinta, Agoonta aan waxba haysan, lana Afuriyaa, Insha’Allah.

Waxaan Allah (SWT) ka Baryeynaa inuu na waafajiyo Raxmadiisa iyo Dambi dhaafkiisa ee Bishaan Barakeysan ee Ramadaan. “Aamiin, Aaamiin, Aamiin”

Waxaan kaloo Allah (SWT) ka baryeynaa inuu nabadgelyo iyo Caafimaad nagu gaarsiiyo Ramadaankaan Ramadaankiisa Kale. Insha’Allah. “Aamiin, Aamiin Aamiin”

 

 

Hoos Ka Dhageyso Marxab Marxab Yaa Ramadaa

Ramadan Kariim Dhammaantiin.

Ramadan kareem Cards 20155

Maamulka Warbaahinta Allgalgaduud Media