DHAGEYSO:- Xaalada Magaalada Dhuusamareeb oo saakay Kacsan

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan maamulka Ahlu Suna oo shalay  la wareegay  xarunta degmada ay weli gacanta ku hayaan halkaas,islamarkaana saakay la dareemaayo xaalad kacsan.

Ciidamada  la wareegay xarunta degmada Dhuusa mareeb ayaa la sheegaya in ay yihiin ciidamo gadoodsan sida ay inoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Xalaada magaalada Dhuusamareeb ayaa saakay kacsan waxaan la sheegaya in maleeshiyaadkii hubeysanaa ay weli gacanta ku hayaan  magaalada Dhuusamareeb ee gobolka xarunta gobolka Galgaduud.

Madaxda maamulka gobolada Dhexe ayaa wado dadaal xoogan oo lagu xalinaayo dhibaatooyinka ka taagan magaalada Dhuusamareeb.

Muranka ayaa ka dhashay ka dib markii ciidamo ka tirsan Ahlusunna ay gaari ka kireeyeen  mid ka mid ah hay’adaha ka howlgala gobolka Galgaduud.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa gacanta ku haya maamulka Ahlu Suna,waxaana mararka qaar ka dhaca dhibaatooyinka kala duwan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-