Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Maamulka Somaliland C/llaahi Saxardiid Cadaani oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamo Millatari ah ay u dirayaan deegaanadii lagu dagaalamay eek a tirsan gobolka Sool.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay ku dadaalayaan in ay kala dhex galaan beelaha ku dagaalamaya deegaano ka tirsan Gobolka Sool.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ay soo afjarayaan dagaaladaasi isla markaana ay kala dhex galayaan beelaha ku dagaalamaya Gobolka Sool.
Labadii Maalin ee la soo dhaafay ayaa waxaa deegaano ka tirsan gobolka Sool ku dagaalamay labo maleeshiyo beeleed, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.waxaana weli ka socda deegaanadaasi dagaal.
Hoos ka Dhageyso Codka:-