DHAGEYSO:- Ragii xalay Hoobiyaasha ku tuuray Xarunta AMISOM oo la qabtay

0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Sheegay inay qabteen kooxihii xalay hoobiyaasha ku tuuray qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Xalay ayaa hoobiyaal lagu garaacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir kuwasoo qaar la sheegay in ay ku dhaceen xarunta AMISOM ee Xalane.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane oo la hadlay wakaalada wararka ee SONNA  ayaa sheegay in gacanta kusoo dhigeen kooxihii ka dambeeyey hoobiyaal xalay lagu garaacay Muqdisho.

Hoobiyaasha ayaa laga soo tuuray degmada Dharkiinleey ee gobolka Banaadir sida uu sheegay afhayeenka gobolka Banaadir.

Hoos ka Dhageyso Codka:-