Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar gaadmo ahaa oo lagu qaaday kolonyo ka tirsan ciidanka Booliska dalka Kenya.
Weerarka ayaa ka dhacay Deegaanka Lafeey oo ku dhow magaalada Mandheera ee gobolka waqooyi Bari ee dalka Kenya sida ay warbaahinta u shegeen saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska dalka Kenya.
Ciidamo ka tirsan Xarakada Shabaab ayaa jidka u galay Kolonyo ka tirsan ciidanka Booliska dalka Kenya kuwasoo kusii jeeday deegaanka Lafeey oo hoos yimaada degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Bosita Omukolongolo oo ka tirsan saraakiisha deegaanka ayaa qadka telefanka ugu sheegay wargeyska the Nation ee ka soo baxa dalka Kenya in uu jiro weerarkaas ayna jiraan khasaare kala duwan oo ka dhashay laakiin hada aysan warbaahinta la wadaagi karin.
Waxa uu sheegay in mid ka mid ah gawaarida weerarka lagu qaaday in uu lahaa gudoomiye ku xigeenka deegaanka Lafeey ee gobolka Waqooyi Bari, weerarkuna uu ka dhacay inta u dhaxeysa Deegaanada Fiino iyo Lafeey ee gobolka Waqooyi Bari.
Waxa uu carabka ku adkeeyay in ay jiraan khasaare u badan dhawaac oo la geeyey xarun caafimaad oo kutaala deegaanka Lafeey.
Ururka Shabaab ayaa inta badan beegsada saraakiisha ammaanka ee gobolka waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Hoos ka Dhageyso Codka:-