DEG DEG:- Xiisad ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Sool

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegay in saakay gobolkaas ay ka taagan xiisad colaadeed oo u dhaxeysa labo beelood oo walaalo ah oo shalay ku dagaalamay deegaano hoos yimaada gobolka Sool.

Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya dagaalkii shalay dhacay ayaa sheegaya in ku dhawaad 7 qof ay ku dhinteen dagaalka,waxaana odayaasha dhaqanka gobolka Sool ay wadaan gurmad lagu doonaayo in la dajiyo colaada ka tagaan gobolka Sool.

Deegaanka uu dagaalku dhacay ayaa lagu magacaaba Dharkeyn ,waxa uuna hoos yimaada magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Saakay ayaa la sheegaya in xiisad colaadeed laga dareemaayo deegaanka Dharkey ,waxaana jira dadaalo ay wadaan waxgaradka labadii dhinac ee shalay dagaalamay.