Madaxweynaha Kenya oo sheegay in dalkiisa uusan nabad heleyn ilaa Somaliya Nabad ka noqoto

0

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay in dalkiisa uusan helayn nabad ilaa dalka Somaliya oo Kenya jaar la ah laga dhigo mid nabdoon.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay Caalamka in ay gacan ka geystaan nabadeynta Somaliya oo ay colaado ragaadiyeen in ka badan 20 sanno.

“Kenya Nabad kuma naalooneyso, ilaa laga soo celiyo Nabadii iyo kala dambeyntii ka jirtay dalka Somaliya.” Sidaaasi ayuu yiri Madaxweyne Kenyatta.

Kenyatta, ayaa sheegay muhiim inay tahay helida dhaqaalo badan oo lagu wiiqo awooda Kooxda Al Shabaab ee Somaliya ka dagaalanta, wuxuuna tilmaamay in caalamka looga baahan yahay  inay door ka qaataan arintaasi.

Madaxweyne Kenyatta ayaa carabka ku adkeeyay in Ciidamada Amisom ay ka bixi karaan Somaliya markii sare loo qaado dhaqaalaha iyo awooda Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed.

“Waa in la helaa dhaqaalo badan, lana xoojiyaa awooda iyo tayada Ciidamada Xoogaga Dalka Somaliyeed si looga adkaado Al Shabaab.” sidaasi ayuu yiri Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Al Shabaab ayaa falal lidi ku ah dhanka ammaanka waxa ay ka geystaan dalka Kenya, oo Somaliya jaar ah la’ah.