DHAGEYSO+SAWIRO:- Nabadoonka Guud ee Beesha ABAKAR oo Muqdisho lagu caleema saaray

0

Mid kamid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa maanta ku caleemasaaratay nabadoon iyadoo madasha caleemasaarka ay goobjoog ka ahaayeen waxgarad mas’uuliyiin ka tirsan dowlada iyo dadweyne faro badan.

Nabadoon guud ee Beesha Abakar ayaa loo caleema saaray Cali Maxamed Axmed Cali Shiino oo ay beesha dhaqanka hore u soo doorteen.

Kulanka caleema saarka ah oo ay kasoo qeyb galeen wasiirro, wasiirro hore, xildhibaanno, odayaal dhaqan, dhalinyaro iyo haween waxaa intii ay socotay ka hadlay Gudoomiyaha odayaasha Dhaqanka Hawiye, Nabadoon Maxamed Xaad, Gudoomiyaha golaha fulinta beesha Abakar, Xaajir Mire Cali Buubaal, Xuseen Keyf, Gudoomiyaha odayasha dhaqanka Beesha habarmaxamed, xubin ka tirsan beesha Habarceeno, Nuur Ciroobe Duqow, Gudoomiyaha odayaasha dhaqanka Cabdalle, Suldaan Cabdullahi Garabey oo ku hadlay afka beesha Habar Adinle iyo Xasan Cilmi Yaxye oo ku hadlay Afka Beesha Habargidir.

Golaha dhaqanka beesha Abakar waxay dhamaan ummada Soomaliyeed ka codsadeen in ay ka wada shaqeeyaan Nabadda, Xasiloonida iyo sidii loo heli lahaa Cadaalad waarta.

“Golaha dhaqanka beesha waxey u mahadcelinaayaan walaalihii ka soo qayb galay xafladdaan callemo-saarka

Nabaddoonka Guud, CALI MAXAMED AXMED (CALI SHIINO)”, gudoomiyaha dhaqanka Abakar, Aadan Maxamed Sheekh Nuur (Aadan Qooje ayaa furitaankii xafladda ka yiri sidaas.

Ugu danbeyn waxaa munaasabadda ka hadlay Nabaddoonka Guud ee Abakar, CALI MAXAMED AXMED (CALI SHIINO), waxa uuna sheegay in uu ka shaqeyn doono nabadeynta beelaha, isaga oo sheegay in uu cadaalad ku saleyn doono shaqadiisa.

Hoos ka Dhageyso Codka, kana Sawirada:-

N 1 N 2 N 3 N 4 N 5 N 6 N 7