Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dooneyso in dalka lagu soo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee kunool dalka Kenya.
Wasiirka wasaarada arimaha dibada dowladda Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa sheegay in dowladda Soomaaliy a ay dadkeeda rabto in dib loogu soo celiyo Soomaaliya madaam dowladda Kenya ay sheegtay in ay xireyso xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo Kaakuma ee dalka Kenya.
Wasiir Hadliye ayaa sheegay in dhawaan ay dowladda Kenya ay kala hadli doonan xalaada qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya ,islamarkaana dowladda Kenya ay uga mahadcelinaya soo dhaweynta qaxootiga Soomaaliyeed oo 25 ka badan ku noolaa dalka Kenya.
Dowladda Kenya ayaa dhawaan Shaacisay in ay xireyso xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo Kaakuma ee dalka Kenya.
Hoos ka Dhageyso Codka:-