DHAGEYSO:- Wiilal Soomaali ah oo dambi lagu helay iyo Waalidiintooda oo eedeyn u jeediyay Maxkamada

0

Xeerbeegtida dalka Maraykanka  ee gacanta ku hayay kiiska seddexda wiil Soomaali Mareykanka ah ayaa warbaahinta u sheegay in dhammaan tood lagu helay dambiyadii lagu soo eedeeyay.

Xeerbeegtida, ayaa isku raacay in Guuleed Cumar, Cabdiraxmaan Daa’uud iyo Maxamed Faarax ay yihiin dambiilayaal lagu heley dambiyadii lagu soo eedeeyay ,ayna isku dayeen in ay u safraan dalalka Siiriya iyo Ciraaq si ay ugu biiraan kooxda Daacish.

Cabdiraxmaan Daauud waxaa lagu helay inuu galay dambiyada lagu soo eedeeyey oo ahaa inuu doonayey inuu ku biiro ISIS iyo inuu dibedda ka gaysto dil, waxaase lagu waayey inuu sameeyey been abuur.

Maxamed Faarax waxaa lagu helay inuu galay dhamaan dambiyada lagu soo eedeeyey oo ahaa inuu doonayey inuu ku biiro ISIS iyo inuu dibedda ka gaysto dil, been abuur iyo inuu FBI been u sheegay.

Guuleed Cali Cumar waxaa lagu helay inuu galay dhamaan dambiyada lagu soo eedeeyey oo ahaa inuu doonayey inuu ku biiro ISIS iyo inuu dibedda ka gaysto dil.

Hoos ka Dhageyso Codka:-