Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe Banki Moon ayaa walaac ka muujiyey dilalka caruurta iyo sidoo kale askareynta dalalka Afghanistan , Suuriya , Yaman , Ciraaq , Soomaaliya iyo South Sudan .
Warbixinta sanadkaan ayaa lagu sheegay in dalalkaas ay yihiin meelaha ugu badan oo ay dhibaatooyin xoogan kala kulmaan caruurta kunool,waxaana la sheegay kooxaha hubeysan ee ka dagaalama Soomaaliya in ay caruurta u isticmalaan hurinta colaadaha.
Qaramada Midoobe ayaa sheegtay in ay jiraan xadgudubyo joogta ah oo loo geysto caruurta ku nool Soomaaliya iyo South Sudan,waxayna Qaramada Midoobe ku talinaysay in ay haboon tahay in dalalkaas ay qaataan tilaabooyin lagu soo afjaraayo dhibaateynta caruurta.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe Banki Moon ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya dalalkaas ay joojiyaan dhibaatooyinka Caruurta oo Qaramada Midoobe ay sheegtay in uu sare u kacay.
Banki Moon ayaa si kulul carabka ugu adkeeyey in dalalka qaar ay saxiixeen qaraarka looga hortagaayo askareynta caruurta iyo dilalka loo geysto sidaas darteedna ay jiraan dalal weli caruurta dhibaato u geysta.