DHAGEYSO:- Galmudug oo sheegtay iney Waxbarasho lacag la’aan ah siineyso Ardayda dhameysatay dugsiyada sare ee deegaanadooda

0

Axmed jaamac Aadan oo ah Isu duwaha Wasaarada Waxbarashada Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay waxbarasho jaamacadeed oo lacag la’aan ah siinayaan Ardayda ka soo jeeda qoysaska danyarta ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ku dadaalayaan hormarinta Ardayda Soomaaliyeed ee ku deegaanada maamulka Galmudug.

Axmed jaamac Aadan ayaa sidoo kale sheegay in ay Jaamacadaha ku yaalla deegaanada Galmudug ay kala hadleen sidii Ardayadaasi Waxbarasho lacag la’aan ah loo siin laha.

Axmed jaamac Aadan oo ah Isu duwaha Wasaarada Waxbarashada Maamulka Galmudug ayaa hadalkaani ka sheegay ka dib markii uu ka qeyb galay Xaflad ay ku qalin jibinaayeen Ardayda dhameysatay Waxbarashada Dugsiga sare.

Hoos ka Dhageyso Codka:-