Daadadka ku dhuftay Yurub oo sii baahaya iyo dadka oo cabsi soo wajahday

0

Wobiga Seine ee mara Paris ayaa heerkii ugu sareeyay biyihiisu ay gaareen muddo 30 sano ah.

Waxa ay biyihiisu sabeynayaa wadooyiinka magaalada, waxaana la xiray madxafyo badan, gabuuraha iyo meelaha nasashada ama dalxiiska.

Dalal badan oo Yurub ayey fatahaadaha oo ka dhashay roob xoogleh ay saameeyeen.

Madxafyada waaweyn ee la xiray waxaa ka mid ah Louvre iyo Orsay, shaqaalaha ayaana waxa ay ka qaadayaan farshaxannada iyo waxyaabaha kale si meel badqab ah loo geeyo.

Ugu yaraan 15 qof ayaa ugu dhimatay fatahaadda dalalka bartamaha Yurub, daadadka waxaa sababay roob sii xoogeysanaya oo ka da’aya laga billaabo Faransiiska illaa Ukraine.

Dhimashadu waxa ay kala tahay, Laba qof oo ku dhimatay Faransiiska, 10 qof oo ku dhimatay Jarmalka iyadoo dhowr magaalo ay ka jirto musiibo.

Dhibaatooyiin kale ayaa laga soo sheegayaa Romania oo laba qof ay ku dhinteen iyo Belgium oo hal qof uu ku dhintay. Austria, Netherlands iyo Poland ayey sidoo kale daadadka saameeyeen.

Tobannaan kun oo qof ayaa guryahooda ka qaxay.