Waakiilka ururka Midawga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Francisco Madeira oo warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi ayaa sheegay in wadamada Khaliijla ay weydiisteen inay bixiyaan dhaqaalaha ku baxa hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka socda kadib markii Midawga Yurub ay jareen inta badan lacagtii ay AMISOM siin jireen.
Danjire Francisco Madeira waxaa uu sheegay in maadaama wadamada reer Yurub ay yareeyeen dhaqaalihii ay ciidamada AMISOM siin jirteen in hadda ay taageero dhaqaale ka raadsanayaan wadamada Khaliijka si loo buuxiyo awooda ciidamada loona xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Xarakadda Al-Shabab.
“Waxaanu qaadanay go’aan ah inaaan wadamada Khaliijka aanu weydiisano taageero dhanka dhaqaalaha oo ay ku bixinayaan hawlgalka AMISOM si loo xoojiyo dagaalka aanu Al-Shabab kula jirno maadaama ay meesha ka baxday dhaqaalo ay midawga Yurub na siin jiray” ayuu yiri Francisco Madeira.
Wakiilka ururka Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya waxaa uu sidoo kale sheegay in dawlaha xubnaha ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka socda qaarkood sida Ethiopia, Uganda iyo Kenya ay ciidamada AMISOM siiyeen diyaarado dagaal oo nooca qumaatiga ku kaca ah si loo wiiqo awooda Al-Shabab dagaalkoodana la xoojiyo.
Wadamada reer Yurub oo bixiya dhaqaalaha ugu badan ee ku baxa ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay qeyb ahaan jareen taasoo culays ku keenaysa shaqada ciidamada midawga Africa ee Soomaaliya jooga sida ay aaminsan yihiin dadka falanqeeya arrimaha ciidamada.