Kadib markii shalay la soo gaba gabeeyay howlgalkii Hoteelka Ambassador ee Magaalada Muqdisho ayaa Taliska Nabad Sugida iyo Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay ka hadleen khasaaraha dhankooda soo gaaray.
Qoraal kooban oo Nabaad Sugida ay ku baahiyeen Bartooda Twitter ayey ku sheegteen in 3 Askari ay uga geeriyoodeen howlgal ay ku sheegeen samata bixin ee ay ku qaadeen Hoteelka la weeraray.
Weerarkii Ambassador oo Ciidamada dowladda ay ku qaadeen howgal ay ku doonayeen in ay ku soo afjaraan ayaa qaatay saacado badan.
Muddo 15 Saacadood oo xiriir ah ayaa la xaqiijiyay in Al Shabaab ay ka dagaalamayeen gudaha Hoteelkaasi Ambassador.
Dagaalyahanada Al Shabaab ee gudaha Hoteelka ka dagaalamayay ayaa cadadooda lagu qiyaasay inta u dhexeysa 3-2 dagaalyahan.
Halka Dowladda Federaalka Ciidamadeeda doonayay in hoteelka ay dib u soo ceshtaan gacan ku heyntiisa ay gaareen Askar aad u fara badan.