Taliyaha Ciidanka X.D.S oo Addis Ababa uga qeyb galay Shir looga hadlayay Dhismaha Ciidamo Gurmad ah oo yeeshaan Dalalka Africa.
Taliyaha Ciidanka X.D.S oo Addis Ababa uga qeyb galay Shir looga hadlayay Dhismaha Ciidamo Gurmad ah oo yeeshaan Dalalka Africa.
Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Aadem Axmed, ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta Midowga Africa uga qeyb galay Shir muhiim oo isugu yimaadeen Taliyayaasha Ciidamadda Dalalka Africa, waxana diradda lagu saarayay sidii ay wadamada Africa u sameysan lahaayen Ciidamo gurmad ah, iyadoo intii uu shirku socday la isla soo qaaday ka bixitaanka Ciidamadda AMISOM ee Soomaaliya jooga iyo dhismaha Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.
Taliye Maxamed Adem ayaa shirka ka sheegay dawladda Federaalka Soomaaliya in ay u diyaar garoobeyso sidii ay dalkeeda ammaankiisa ula wareegi lahayd, isla markaana looga maari lahaa Ciidamadda Shisheeye ee dalka jooga. Wuxua mahadcelin u jeediyey dalalkii Ciidamadooda u soo direy Soomaaliya.