Warbixin ay soo saartay QM ayaa labada dhinac ee colaada Yemen ku dhaliishay qaabka ay ula dhaqmaan caruurta.
Waxay ku eeedaysay isbahaysiga uu hoggaaminaya Sucuudiga ee la dagaalamayay fallaagada Xuutiyiinta tan iyo bishii March ee sandkii hore in ay dileen, dhaawacna u gasyteen boqlalal caruur ah.
Warbixinta waxa ay falaagada ku dhaliishay iyagana in caruurta askareeyaan, weerarana ay u gaysteen xarumaha iskuulada iyo isbitaalada.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Kii Moon ayaa ku baaqay in Sucuudiga lagu daro liiska dalalka iyo xoogagga hubaysan ee ku xadguba xaququda caruurta xilliyada dagaalada.
Kooxda Xuutiyiinta horay ayay ugu jirtay diwaankaasi.