Ururka Kubadda Cagta ee aduunka ee FIFA ayaa sheegay in madaxii hore ee ururka Sepp Blatter iyo laba sarkaal oo sare oo kale ay sameysteen mushaar kororsi iyo lacago ay isku abaal mariyeen oo gaaraya 80 malyuun oo dollar muddo shan sanadood ah.
Garyaqaanada FIFA ayaa sheegay in Mr. Blatter, xoghayihii hore ee FIFA Jerome Valke iyo xogyahihii hore ee maaliyadda FIFA Markus Kattner ay sameeyeen dadaallo wada jir ah oo ay iyagu ku taajirayeen oo ay sameeyeen intii u dhaxeysay sanadihii 2011kii iyo 2015kii.
Faahfaahinta baaris ka dhex socotay FIFA ayaa la sii daayay jimcihii shalay, maalin ka dib markii boolisku ay weerar ku qaadeen xarunta ay FIFA ku leedahay magaalada Zuric, si ay halkaa uga soo qabtaan daliilaha baarista Switzeland ee FIFA ku socota.
Masuuliyiinta Switzerland ayaa baaris ku sameeyay daruufihii ku xeernaa tartankii loogu jiray cidda qabaneysa cayaaraha aduunka ee kubadda cagta 2018ka iyo 2022da.
Iyagoo looga shakiyay wax isdaba barin ay ku sameeyeen lacagaha FIFA ayaa Guddiga Anshaxa ee FIFA waxa uu ka mamnuucay Mr. Blatter iyo Valke muddo lix bilood iyo 12 sanadood ah inay ku lug yeeshaan arrimaha cayaaraha.
Labadan masuul ayaa beeniyay eedaha loo soo jeediyay ee musuq maasuq.
Heya’dda FIFA ayaa mushkilad la xiriirta mususmaasuq waxey heysatay tan iyo bishii May sanadkii 2015kii, markii baaris ay sameysay dowladda mareykanka lagu eedeeyay madaxda ugu sareeysa ururka inay musuq maasuq ku lug leeyihiin.