DHAGEYSO:- Howl gal Culus oo maanta laga sameeyay Magaalada Beydhabo

0

Magaalada Beydhabo ee Xarunta gobolka Baay ayaa waxaa Maanta laga sameeyay howl galo dad badan lagu soo qabtay oo lala xiriirinayo iney amni daro ka wada Magaaladaasi.

Ciidamada amaanka ee Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa waxay ay baarayeen Xaafadaha Magaalada Beydhabo iyo goobo gaar ah oo lagu tuhmayo in ay ku jiraan shaqsiyaad lala xiriirinayo iney amni daro ka geysteen Magaalada Beydhabo.

Saraakiishii hogaamineysay howlgalkii Maanta ka dhacay Magaalada Beydhabo ayaa waxa ay Warbaahinta u sheegeen in ay joogteynayaan howlgalada ay sameynayaan inta laga xaqiijinayo amniga guud ee Magaalada.

Magaalada Beydhabo ayaa waxa ay Xarun KMG u tahay Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya waxaana ku yaalla Madaxtooyada uu ku shaqeeyo Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed iyo masuuliyiinta kale ee Maamulkaasi.

Sidoo kale Magaalada Beydhabo ayaa waxaa horay ugu dhacay Weeraro ismiidaamin ah oo ay masuuliyadiisa sheegteen Al-Shabaab, waxaana sidoo kale horay ugu dhacay Qaraxyo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-