Askar ka tirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliya oo lagu dilay Duleedka Afgooye

0

Wararka ka imaanaya Duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Askar ka tirsan Milatariga Soomaaliya lagu dilay Tuulada Aadan Seerar oo u dhaw Afgooye.

Wararka ayaa sheegaya in Askarta la dilay ay gaarayaan 7 Askari,waxaana Warar soo baxaya ay sheegayaan in Ciidamadaasi ay Dumar Shirqooleen,kuwaas oo laga watay Afgooye ka dibna ay Shabab dileen.

Maamulka Degmada Afgooye oo la hadlay KNN ayaa sheegay in Askarta la dilay ay Labo yihiin,waxaana uu xusay in Al-shabaab ay soo weerareen Goob ay Ciidamada la dilay joogeen.