Allgalgaduud Media ayaa ogaatay in uu Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Abdiweli Maxamed Ali Gaas si deg deg ah ugu sii jeedo dalka Imaaraatka Carabta, isagoo halkaas u tagaya safar aan horey qorshaha ugu jirin.
Ujeedada socdaalka ee Madaxweyne Gaas ayaa ah sidii uu ula kulmi lahaa Madaxda dalkaas oo ay ka wada hadli doonaan arrimaha Mashaariicda caalamiga ah ee laga fulinayo gudaha deegaanada Puntland.
Madaxweyne Gaas ayaa qorshuhu yahay in uu todobaadka bilaabaya u dhoofo dalka Isku taga Imaaraatka Carabta, waxaana adag in la helo xog dheeraad ah oo ku saabsa safarka Madaxweynaha dawladda Puntland.
Madaxtooyada Soomaaliya waxay wadaa qorshe la xariira arrimaha Mashaariicda ee Puntland laga fulinayo oo ay caqabad u dhigayso, gaar ahaana waxaa maanta soo shaac baxday in Mashruuca dhismaha ee Dekeda Garacad lagu hayo hagardaamooyin waa weyn.
Ilaa hadda si rasmi ah dawladda Puntland ugama hadlin arrintan, balse xogo dheeraad ah oo aan helnay ayaa sheegaya in Madaxda dawladda Puntland ay iska arkeen oo ay isku afgarteen in laga doodo lagana jawaabo.