Rasaas iyo Qaraxyo ayaa Saaka laga Maqlayaa Hotelka Ambassador oo Shalay ay Weerar ku qaadeen Rag ka tirsan Al-shabab islamarkaana weli ku dhex jira Hotelka.
Khasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay weerarka ilaa Saaka soo gaaray ayaan la ogeyn,iyadoo Dad lagu qiyaasay 20 ruux ay ku dhinteen Weerarka waxaana ku jira Labo Xildhibaan.
Dhaawaca ayaa 60 ka badan,kuwaas oo la dhigay Isbitalka Madiina iyo Goobaha Caafimaaf ee kale.
Wararka ayaa sheegaya in Labo ka mid ah Shabaab ay weli ka dhex dagaalamayaan Hotelka Ambassador,iyadoo Ciidamada Gaashaan ee sida gaarka ah u tababaran ay weli Howlgalo wadaan,waxaana Hotelka laga badbaadiyay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Shacab iyo Mas’uuliyiin isugu jira.