DHAGEYSO WAREYSI XASAASI AH:- Waxgaradka Puntland oo si adag uga hadlay Qaabka Muqdisho xildhibaano ku rabto, ma caasimad baa, ma magaalo qabiil baa mise maamul gaar ah ?

0

Qaar ka mid ah waxgaradka Puntland ayaa si weyn uga hor yimid dooda ka socota shirka madasha watashiga qaran ee la isku mari la yahay lana xiriirta qoondo xildhibaano aqalka sare ah oo Magaalada Muqdisho Metela in la helo, taas oo ay su’aalo fara badan ka keeneen in la caddeeyo marka hore Muqdisho waxa ay tahay in aan laga doodin qoondo iyo metelaad.

Nabadoon Cabdicasiis Aw Yuusuf Xaarin oo ka mid ah Nabadoonada Puntland ee gobolka Mudug ayaa sheegay inuu aad uga soo horjeedo ayna xaaraan tahay in xilligaan la isku mashquuliyo sidii loo heli lahaa cid metesha Muqdisho, wuxuu xusay in Muqdisho lagu kala tagay 1991-dii aana dib la iskugu soo noqon oo reero gaar ah ay xoog ku qabsadeen hantidiii ummadda Soomaaliyeedna dhaceen, sidoo kalena dhawaan odayaal kasoo jeeda beesha Hawiye ay si bareer ah u sheegeen in Muqdisho ay tahay magaalo Hawiye dadka kalena ay marti ku yihiin.

Nabadoon Xaarin ayaa soo jeediyey in marka hore la caddeeyo oo ummadda Soomaaliyeed loo sheego waxa ay Muqdisho xilligaan tahay, isagoo intaas raaciyey hadday magaalo qabiil tahay inuusan jirin qabiil ka qaday qaabka loo qaybsaday xildhibaanada aqalka hoose iyo kuwa aqalka sare.

HALKAAN KA DHAGEYSO