DHAGEYSO WAREYSI XASAASI AH:- Siyaasi Caalim “Weerarka Ambassador & Doorashada 2016 Xiriir ayaa ka dhexeeya”

0

Ka dib Weerarkii Shalay lagu qaaday Hotelka Ambassador ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa isi soo taraya Shekiga ku aadan Weerarkaasi.

Siyaasi Maxamed Maxamuud Nuur Caalim oo ka faalooda Arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in weerarka Hotel Ambassador uu yahay mid saameyn xoogan ku yeelan kara Arrimaha Doorashooyinka ee dalka.

Waxa uu tilmaamay in sanadkaan gudihiisa la filayo in doorasho ay dhacdo lakin hadii Ammaanka uu sidaan yahay aysan doorasho dhici Karin.

Dhinaca kale waxa uu tilmaamay in todobaadkaan sii dhamaanaya la filayo in ay Muqdisho yimadaan Madaxweynaha Turkiga iyo Wasiirka Arimaha Dibada Ingiriiska iyaga oo u baaqan kara sababo ammaan awgeyd.

HALKAAN KA DHAGEYSO