Salaad Cali Jeelle Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada oo ka mid ah Xisbiyada ka jira Dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay Weerarkii Dadka badan ay ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen oo Al-shabaab ay ku qaadeen Hotelka Ambassador ee Magaalada Muqdisho.
Salaad Cali Jeelle oo la hadlay KNN ayaa sheegay in Weerarkaasi uu ka xun yahay waxaana uu Cambaareeyay Xasuuqa ka dhacay Hotelka Ambassador ee Magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Salaad Cali Jeelle ayaa sidoo kale sheegay in Laamaha Amniga Dalka ay ku Fashilmeen sugidda Amniga islamarkaana ay ku Mashquuleen sidii ay Xilal uga raadin lahaayeen Dowladda Soo socota.
Sidoo kale Guddoomiye Salaad Cali Jeelle ayaa ugu baaqay Madaxda Sare in ay iscasilaan Maadaama ay iyagu Mas’uul ka yihiin islamarkaana Laamaha Ammaanka ka shaqeya ay iyagu soo xusheen.
HALKAAN KA DHAGEYSO