Waxaa faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxeysaa Qarixii goor dhow lagu qaaday Hotel Ambasador oo ku yaala wadada Makah Al-Mukarama.
Rasaas xoogan ayaa qaraxa ka dib ka bilaabatay halkaas iyadoo wararku sheegayaan in rag hubeysan ay gudaha u galeen hotelka, waxaana goor dhow goobta gaaray ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowlada Soomaaliya, waxaana hotelka dhexdiisa ka socda dagaal.
Xildhibaano iyo dad kale oo qurba joog ah ayaa degan hotelka Ambasador oo ka mid ah hotelada ugu waaweyn magaalada Muqdisho, lamana oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay weerarkan oo weli soconaya.
Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-