Faah Faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya Weerar lagu qaaday Hotel ku yaalla Muqdisho

0

Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa la dhigay Banaanka hore ee Hotel Ambassador ee magaalada muqdisho.

waxyar kadib marka uu qaraxa dhacay waxaa biloowday rasaas laga maqlayay gudaha iyo nawaaxiga Hotelka, halkaas oo wararka hordhaca ah ee laga helayo ay tilmaamayaan in ay weerar ku qaadeen Al-shabaab.

Saraakiisha Laamaha Ammaanka ayaa u sheegay in hadda uu billoowday howlgal looga jawaabayo Kooxda Weerarka ku qaaday Hotelka.

Xigasho Warbaahinta Dowlada