DHAGEYSO:- Kulankii Baarlamaanka ee Maanta oo Arrimo Xasaasi ah loogu hadlay

0

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa isku raacay in la soo hormariyo ansixinta sharciyada muhiimka u ah Dalka iyo kuwa la xiriira doorashooyinka Dalka ka dhacaya.

Xildhibaanada ayaa sharciyada ay isku raaceen in ansixintooda la soo hormariyo waxaa ka mid ah Sharciga lagu dhisayo Maxkamada Dastuuriga dalka, Sharciga Axsaabta, iyo wax ka badalka Dastuurka dalka iyo Shrciyo kale.

Furitaanka kulanka ka dib ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa uu Xildhibaaanada u aqriyay Shuruucda hor taalla Baarlamaanka.

Hadal jeedinta ka dib ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka waxay isku raaceen in la hormariyo oo la ansixiyo sharciyada dalka muhiimka u ah.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sharaxay waxyaabaha la isku raacay iyo sida uu u qabsoomayo Kulamada Baarlamaanka Maalmaha soo socda.

Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka hadlay wararka sheeegaya in Baarlamaanka Soomaaliya uu dalbaday in waqti loogu daro si ay u dhameeyaan howlaha hor yaalla.

Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in wararkaasi ay been yihiin balse ay doonayaan in aysan dhicin in Dalka uu noqdo Baarlamaan la’aan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-