DHAGEYSO:- Kooxo hubeysan oo Weerar Xoogan ku qaaday mid ka mid ah Xarumaha ay Dowlada ku qaadeyso Imtixaanaadka dugsiyada Sare

0

Xoogag hubeysan oo lala xiriirinayo in ay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, ayaa caweysnimadii caawa weeraray Dugsiga Hoose, Dhexe & Sare (Baarbe), oo ku yaala Degmada Dharkiinley Ee Gobolka Banaadir.

Iskuulkan, ayaa ka mid ah goobaha lagu qaadayo imtixaanaadka mideysan, ee ay wado Wasaaradda Waxbarashada Somaliya, sanadkii 2-aad.

Xoogagan oo tiradoodu lagu sheegay lix nin, ayaa iska caabin xoogan kala kulmay ciidan ka kala tirsan Booliska & Nabad Suggida Gobolka Banaadir, oo iyagu suggaya ammaanka goobaha ay imtixaanadu ka socdaan.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Degmada Dharkiinley ayaa sheegay inaanu weerarkan wax khasaaro ihi ka soo gaarin Ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya, General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa maalmo ka hor sheegay in Ciidanka Boolisku ay diyaar u yihiin in ay si wayn u ilaaliyan ammaanka goobaha imtixaanada.

Waa weerarkii ugu horeeyay oo lagu qaado mid ka mid ah goobaha ay Wasaaradda Waxbarashada Somaliya ku qaadayso imtixaanaadka mideysan ee Dugsiga Sare.

Hoos ka Dhageyso Codka:-