Allaha unaxariistee waxaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay Weerarkii Hotel Ambasador oo wali socda Xildhibaan Cabdulaahi Jaamac Kabawayne oo ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa xildhibaanano ku sugnaa Hotelka xilliga Hotelka weerarka lagu soo qaadayay.
Sidoo kale warar kale ayaa waxa ay sheegayaan in uu ku geeryooday Weerarka ka socda Hotelka Ambassador,Xildhibaan Maxamuud Maxamed Guure oo ahaa Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaalia.
Xildhibaan Guure, waxa ay hal Qol wada joogeen Xildhibaan Cabdulaahi Jaamac iyadoo Labada Xildhibaan ay ku dhinteen hal Goob.
Dhinaca kale Isbitaalka Madiina ayaa lagaarsiiyay Maydadka inka badan Toban Qof halka uu dhaawucuna ka badanyahay 50 kale.
Qasaaraha ayaa badankiisu ka dhashay Qaraxii koowaad oo dhacay xilli ay Gawaari badan maraysay wadada,goobaha ganacsiguna ay ahaayeen kuwo aad u Mashquul ah.
Dhank kale Xildhibaanada la soo badbaadiyay waxaa ka mid ah Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdulaahi Xildhibaan Maxed Cumar Xildhibaan Macloow iyo kuwa kale, Waxaana wali socota hawsha badbaadinta dadka ku jira Hotel Ambasador.
Waxaa la xaqiijiyay in uu ku jiro dadka la soo badbaadiyay Gudoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur oo qaba dhawac fudud oo ka soo gaaray Lugta.
Ciidamada Amaanka ayaa lawareegay qaybo badan oo ka mid ah dhismaha Hoteelka,waxaana jira in wali laga shakisanyahay in ay gudaha ku jiraan kooxaha weerarka soo qaaday.
