WAR DEG DEG AH+AKHRISO:- Magacyada Masuuliyiinta ka tirsan Dowlada ee laga soo badbaadiyay Weerarka ka soconayo Hotel Ambassador

0

Iyadoo ay wali socoto hawsha Badbaadinta Dadka ku jira Hoteel Ambassador ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo baxaya Magacyada Masuuliyiinta lasoo badbaadiyay ilaa hadda.

Waxaa la xaqiijiyay in uu ku jiro Gudoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur oo qaba dhawac fudud oo kasoo gaaray Lugta iyo masuuliyiin kale oo aan magacyadooda aan weli la shaacin.

Wararka ayaa sheegaya in ay jiraan dhawr Xildhibaan oo iyana laga saaray Hoteelka oo qaarkood dhaawac ah.

Ciidamada Amaanka ayaa lawareegay qaybo badan oo ka mid ah dhismaha Hoteelka,waxaana jira in wali laga shakisanyahay in ay gudaha ku jiraan Kooxaha Weerarka soo qaaday.