Maxay Al-Shabaab ka damacsan yihiin Bisha Ramadaan Magaalada Muqdisho ?

0

Ururka Al-shabaab ayaa arrin halis ah xilligan la damacsan magaalada Muqdisho xilli ay soo dhowdahay bisha barakeysan ee Ramadan.

Saxaafada ayaa heshay xog muhiim ah islamarkaana ku saabsan qorshaha ay Al-shabaab damacsanyihiin iyo waxa hay’adaha amniga DFS kala socdaan arrinkaasi.

Waxay qorsheeyeen inay weeraraan in ka badan 20 Hoteel oo ku yaalla Muqdisho, balse hay’adaha amniga durbo middaasi waa ay ogaadeen.

Hoteellada dhammaan digniintaasi waa la gaarsiiyey waxaana loo ogolaaday wax walbo oo amnigooda ku sugan karaan.

Durbo hoteellada waxay xirteen difaacyo culus, waxayna keensadeen ciidamo dheeraad ah.

Al-shabaab ayaa caadeystay inay weeraraan xarumaha shacabka ku kulmo, hase ahaatee sirdoonka Soomaaliya ayaa arrinkaasi shacabka kaga digay.