XASAASI: Guddoomiyaha Ceelbuur: ” howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab waan sii labo jibaareynaa”

0

Guddoomiyaha maamulka degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud Cabdi Xasan Maxamed ( Biyo Quuto) oo ka warbixinayay howlgallo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada dowladda ka sameeyeen Bariga Gobolka Galgaduud ayaa guulo ka sheegtay howlgalladaasi.

Mr Biyo Quuto ayaa shaaca ka qaaday in ay sii labo jibaareen howlgalladooda ka dhanka ah Al Shabaab, kuwaas oo uu sheegay in ay ku doonayaan sidii  Al Shabaab ay ugula wareegi lahaayeen meelaha ay ku sugan yihiin ayna sugaan Nabad gelyada deegaanadaasi.

“ shacabka markii ay arkeen inaan laabaneynin waa na aamineen qoryahoodiiyey la soo baxeen iyagaana nagu gacan siinaya dagaalka aan kula jirno Al Shabaab” ayuu yiri guddoomiyaha Ceelbuur Cabdi Xasan Maxamed.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa waxa uu daaha ka rogay in ay jiraan Ciidamo Tababar dhawaan loogu soo gaba gabeeyay Ceelbuur oo bisha soo socoto gudaheeda la hubeynayo kuwaas oo ka qeyb qaadan doono howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab.

Si kastaba deegaanada Bariga Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka soconaya Guluf Colaadeed oo xoogan iyadoona howlgallo ay ka wadaan halkaas Ciidamo huwan ah oo ka kala tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM.

U jeedada howlgalladaasi ayaa ah sida masuuliyiinta iyo Saraakiisha dowladda ay sheegaan looga golleeyahay sidii Al Shabaab gabi ahaan Gobolka Galgaduud looga saari lahaa.