TOOS UDHAGEYSO: Maamulka Gobolka Banaadir oo Xabsiga dhigay Ciidan ka tirsan Booliska Soomaaliya

0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku soo bandhigay Afar Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,kuwaas oo Dadka ku nool Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir si bareer ah u dhici jiray.

Askartaan oo Warbaahinta loogu soo bandhigay Xarunta Taliska Ciidanka Gobolka Banaadir,iyadoo sidoo kale halkaa lagu soo bandhigay Boonooyin ay Gaadiidka uga qaadi jireen Lacago,iyaga oo iska dhigaya Ciidamada Taraafikada.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo Saxafadda la hadlay ayaa sheegay in Xabsiga la dhigay Askartaan Sharcigana la marsiin doono.

Si kastaba waxaa  jira Cabasho Shacabka ku nool Gobolka Banaadir ay ka keenaan Ciidanka Dowladda oo ku aadan dhac loogeyso Dadka rayidka ah,waxaana Maamulku uu balan qaaday inuu wax ka qabanayo Arrintaasi.