Fatahaado Khasaaro hantiyadeed sababay oo Webiga Jubba uu ka sameeyay Degmada Jilib

0

Iyadoo Muddooyinkii dambe ay sii kordhayeen Fatahaadaha ay sameynayeen Webiyada Shabelle iyo Jubba ayaa degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe waxaa mar kale Fatahaado ka sameeyay Webiga Jubba.

Fatahaadda uu sameeyay Webiga Jubba ayaa saameyn xoogan ku yeeshay dadka ku dhaqan degmadaasi Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Sida aan ku heleyno wararka naga soo gaaraya degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxa ay tilmaamayaan in tuulooyinka lagu Magacaabo Fara Gurow , Baladul Kariim iyo deegaanno kale oo ka tirsan degmada Jilib dalagii ka baxayay uu saameeyay Fatahaadu.

Mid ka mid ah dadka deegaanadaasi oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho  ayaa sheegay in dadkii halkaas ku dhaqnaa badi ay isaga barakaceen Tuulooyinkaasi islamarkaana fatahaadda ay si gaar ah u saameysay qaar ka mid ah dalagyadii dadkaasi ay beerteen.

Sida qofkaasi deegaanka ah uu Shabelle u xaqiijiyay Dalaga dadkaasi u baxa waxaa ka mid ah Liin, Galleey , Sisin iyo Digir oo inta badan noloshooda ay ku tiirsan tahay.

Dhawaan ayey ahayd markii Webiga Shabelle uu Fatahaad khasaaro geysatay ka sameeyay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan halkaas oo ay ka barakaceen kumanaan qoys oo horay deegaan ugu ahaa Magaaladaasi.