DHAGEYSO+TOP: 45 Dagaalyahano Al-shabaab ah oo gudaha ugalay dalka Kenya

0

Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ku dhowaad 45 Dagaalyahano oo ka tirsan ururka Al-shabaab ay gudaha ugaleen dalka Kenya.

Warbixin hoose oo laga soo xaday sirdoonka Kenya ayaa lagu sheegay in 45 Dagaalyahano ay gudaha ugaleen dalka Kenya waxaana la sheegay in ay wateen Hubka Nuucyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka ayaa la sheegay in ay arkeen Al-shabaab oo ka soo galay dalka Kenya dhanka deegaanada iyagoo islamarkiiba ku wargeliayay ciidamada amaanka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa heegan buuxa galisay laamaha amaanka dalka Kenya waxaana la sheegay in xilligan magaalooyinka waa weyn ee dalka Kenya ay ka socdaan howlgallo balaaran oo lagu baadi goobayo AL-shabaabka gudaha ugalay dalka Kenya.