Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Cali Jaamac Axmed Jangali oo warbaahinta lahadlay ayaa waxa uu sheegay in qorshahaasi ku aadan in dowlada ay maamusho hawada soomaaliya uu marayo meel gaba gabo ah.
Cali Jaamac Jangali waxa uu sheegay shaqaalaha ka shaqeeya xarunta Nairobi ee laga maamulo Hawada Soomaaliya dhamaantood in ay yihiin kuwo Soomaali ah islamarkaana ay yar yihiin dadka Ajaanibta ah ee halkaasi ka shaqeeya.
Waxaan ku da’daalaynaa sidii dhalinyarada soomaaliyeed ay shaqo uga heli lahayeen Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya
Tan iyo wixii ka dambeeyay bur burkii dowladda dhexe ee dalka maamulka Hawada Soomaaliya ayaa waxaa laga maamulayay dalka Kenya halkaasi oo ay gacanta ku heysay hey’ad ka tirsan QM oo dhanka Hawada uqaabilsan.