DHAGEYSO: Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo maanta lagu wado in la soo gaba gabeeyo

0

Shirka Madasha wadatashiga qaran ayaa maanta lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo ,islmarkaana laga soo saaro qodobo muhiim ah oo ay ku cad yihiin waxyaabihii ay isku raaceen madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Qodobada Shirka laga saaraayo ayaa lagu raja weyn yahay in ay ku cad yihiin maqaamka caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho iyo xubnaha ay aqalka sare ku yeelaneyso.

Madexweynaha dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan Sheegay in maqaamka caasimada lagu qeexaayo shirka hada ka socda Muqdisho .

Shirka oo shalay furmay ayaa maanta lagu wadaa in la soo gabagabeeyo lagana soo saaro qodobo muhiim ah .