Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in deeqdii ka timid dowladda Turkiga sida ugu dhaqsiyaha badan loo gaarsiin doono dadka ku dhibaateysan Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya.
Wasiirka dowlaha wasaarada arimaha gudaha dowladda Somaaliya Cabdirashiid Xidig ayaa sheegay in maalmaha soo socda deeqdaas la gaarsiin doono dadka dhibaateysan ee mudan in loo gargaaro.
Wasiirka ayaa sheegay inta badan deeqda la gaarsiin doono dadka unugul xaalada adag ee ku sugan gobolada dalka Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa shalay hal markab oo deeq ah ka gudoontay dowladda Turkiga.