ararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Ceel Hareeri oo dhaca nawaaxiga deegaanka kale ee Coosweyne oo iyagu ku yaalla Bariga Gobolka Galgaduud ayaa ku soo warramaya in halkaas xalay ay isaga baxeen ururka Al Shabaab.
Guddoomiyaha maamulka degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud Cabdi Xasan Maxamed ayaa sheegay in inta aysan Dagaalamayaasha Al Shabaab ka bixin deegaanka ay ku dileen 2 qof oo shacab ahaa ee ay ku sheegeen Basaasiin.
Guddoomiyaha degmada Ceel Buur ee Gobolka Galgaduud ayaa xaqiijiyay in Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay gebi ahaanba haatan la wareegeen Deegaanka Ceel Hareeri ayna sii socon doonaan howlgallada ay ka wadaan Ciidamada dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa AMISOM Bariga Gobolka Galgaduud, iyagoo fooda dari doono sida uu sheegay saacadihii la soo dhaafay degmada Galhareeri ee Gobolkaas Galgaduud.
Mudooyinkii dambe ciidamada dowlada iyo AMISOM waxa ay wadeen howlgallo ka dhan ah xarakada shabaab.
Al-shabab waxa ay wili ku sugan yihiin deegaano hoostaga gobolka galgaduud ee bartamaha soomaaliya.